Madaxweyne Lafta-gareen oo shaaciyey inuu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee KGS.

3 May, 2026

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa markii ugu horreysey ka…

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa markii ugu horreysey ka hadlay tallaabadii ay dowladda federalka ah ee Somalia kaga saartay deegaankiisa.

Lafta-gareen oo ka soo muuqday barnaamijka Geed-fadhi ayaa sheegay inuu muddo dheer ku soo jirey siyaasadda isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga horreeyey arrimaha siyaasadda soona qaatay waayo uu ugu soo adeegey dadkiisa.

“Xasan oo ari gadaaya ayaan siyaasadda ku soo jirey, xilli uu macalin ahaa ayaan siyaasadda ku soo jirey da’dii uu Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadda ku soo galay anigu weli ma aanan gaarin”, Ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Lafta-gareen wuxuu sheegay in cidda loo socdey aysan isaga ahayn haseyeeshee qorshuhu ahaa in lagu duulo shacabka deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed,”Nin dadkiisii iyo dalkiisa u turayaan ahay, waxa loo jeedey aniga ma ahayn ee waxaa loo jeedey reer Koonfur Galbeed haddii aniga la iijeedey maanta Koonfur Galbeed ayaa jiri lahayd.”

Ugu dambayntiina Lafta-gareen ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed,”Aniga waxaan ahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfurgalbeed ee la doortay, deegaankeenna waan tegi doonaa waana xorayn doonaa.”