Madaxweyne Lafta-gareen oo weeraray Lafta-gareen & KGS oo dowladda eedayn ujeedisey.

28 March, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay arrimaha siyaasadda iyo…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, xilli uu xarigga ka jarayay waddada Dabka ee aadda suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Reer hebel ayaa duulaan lagu yahay, reer hebel ayaa si gaar ah loo weerarayaa waa been”, Ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo ugu baaqay shacabka inay iyagu go’aan ka gaaraan aayahooda, islamarkaana aysan ku xirnaan hadallada siyaasiyiinta.

Dhanka kalena, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor la geeyey qeybo kamid ah gobolka Baay, gaar ahaan deegaano ku dhow magaalada Baydhabo.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Koofur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, oo markale xilka loo doortay ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in ciidamadaasi loo daadgureeyey deegaannada ku xeeran Baydhabo. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa awood sheegasho.