Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo xubno katirsan…

Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo xubno katirsan golaha xukuumadda Somalia ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen oo sabtidii dib loogu doortay Baydhabo ayaa sheegay in haddii la soo weeraro ay jawaab milatari ka bixin doonaan, wuxuuna sheegay in Mas’uuliyadda wixii ka dhaca Baydhabo uu qaadan doono Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhankiisa Wasiirka gaashaandhigga dowladda Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ku hareeraysan yihiin Madaxtooyada Baydhabo ayna saacad walba soo qaban karaan Madaxweyne Lafta-gareen, haddii uusan qaadan doonitaanka dowladda Somalia.
Ugu dambayntiina Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Madaxaa-nafuran) oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay maanta qabsan doonaan Baydhabo, wuxuuna ugu baaqay Lafta-gareen inuu si nabad ah uga boxo Magaalada.



