Madaxweyne Laftagareen oo booqday ciidamo Itoobiya ugu tababarayso Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kormeer ku tagey xerada…

4 March, 2025

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kormeer ku tagey xerada tababarka Ciidanka Itoobiya ee magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa siweyn u boggaadiyay Saraakiisha ciidamada Itoobiya tababar sare halkaasi ku siinaya Ciidamadda Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ciidamadaani dhowaan la wareegi doonaan waajibaadkooda shaqo.