Madaxda sare ee Puntland ayaa ugu yeeray dhammaan qoysaska cusub ee laga dhisayo Puntland inay kaalin…

Madaxda sare ee Puntland ayaa ugu yeeray dhammaan qoysaska cusub ee laga dhisayo Puntland inay kaalin ka qaataan yaraynta faafitaanka xanuunka halista ah ee HIV-AIDs, ayna iska baaraan kahor dhismaha qoyskooda.
Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey xanuunkan ayaa ugu horrayn soo jeediyey dhismaha sanduuq lagu caawiyo dadka la nool xanuunka, isagoo dhalinyarada isguursanaya ugu baaqay inay isbaaraan.
“Haddii gargaarku yaraado macneheedu wixii aynu qaban jirey inaan la qaban karin ma ahan, waa in loo sameeyo sanduuq ganacsatadu sakada ku bixiso dowladduna doorkeeda ka qaadato”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley.
Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku amray dhammaan qoysaska cusub ee dhismaya inay isbaaraan si ay badbaadiyaan naftooda, “In la badiyo baarista aadbaan u dhiirigelinayaa oo weliba dadka xilliyada ay qoys cusub dhisayaan inay isbaaraan, si familkaas haddii midkood jirran yahay uu kan kale uga badbaado, waxaan kaloo soo jeedinayaa in dadka inta nugul ee xanuunka qaba ay dawada qaataan oo aysan qalbigeeda xanuunka dareensiin”.
Guud ahaan Puntland Galkacyo ayaa kaalinta 1aad kaga jirta Magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka qaata dawooyinka la tacaalidda xanuunka HIV-AIDs, waxaana Magaalooyinka looga diiwaangeliyey sidan; Galkacyo 225, Garoowe 207, Boosaaso 176, Qardho 59, Badhan 14 qof.



