Madaxweyne Lugatoor oo booqday Taliska Bilayska Puntland iyo Saldhigga Dhexe ee Garoowe.

11 May, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska, Dhismaha Xarunta cusub ee Booliiska Puntland iyo Dhismaha Saldhiga dhexe.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa Taliska Guud kusoo dhoweeyey Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliiska Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad Gen. Cismaan Maxamuud Cige iyo Saraakiisha Taliska, isaga oo ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada Ciidanku u hayo bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray Dhismaha Taliska cusub ee Ciidanka Booliiska oo meel wanaagsan maraya. Kormeerka ayaa u jeedkiisu yahay dardargelinta shaqooyinka socda ee adeega Dowladnimo ee loo hayo bulshada Puntland.

Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirka Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.