Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay wasaaradda Qorshaynta Horumarinta…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka, waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Xasan Ibraahim oo uu wheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax.
Intaas kadib, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda, isagoo kala hadlay dardargelinta howlaha shaqo iyo xoojinta qorshayaasha horumarinta.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweyne Lugatoor Shaqao-joojin u muuqata mid aan ka laabasho lahayn ku sameeyey wasiirkii Wasaaradda Daa’uud Bisle oo uu amray in laga wareejiyo dhammaan hantida dowladda ee uu gacanta ku hayo.





