Madaxweyne Lugatoor oo ka hadlay dhalinyaro Garoowe lagu diley.

29 March, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa ka hadlay dilal kala dambeeyey oo Garoowe…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa ka hadlay dilal kala dambeeyey oo Garoowe loogu geystey 2 dhalinyaro ah oo deegaan ahaan ka soo jeeddey Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Lugatoor, wuxuu sheegay in Garoowe tahay magaalo Soomaaliyeed, aysanna u kala sokayn dhammaan bulshada Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in tallaabo laga qaado doono cidkasta oo ammaankeeda khalkhal gelinaysa.

“Magaaladani waa caasimad, deganaansheheeda iyo koriddeedana waa u rajaynaynaa inay caasimad Soomaaliyeed, waana inaynu u diyaar garawno:, Ayuu yiri Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Dhanka kalena, madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay inaysan xukuumaddu dulqaad ka yeelan doonin in Garoowe dadka lagu dhibaateeyo, isagoo laamaha ammaanka iyo waxgaradka gobolka Nugaal ka dalbaday in la soo qabto mid kamid ah raggii dilka geystey oo baxsad ah.

“Waxaa laga maarmaan ah, cuqaashiina waa fadhidiyaan iyo maamulkii gobolku. dowladdu dulqaad kama leh ammaanka magaaladaan iyo Puntland oo dhan, falalkii macna darrada ahaa oo aad ogtihiin in tima lajarayo iyo gaari la dhaqayo wiilal lagu diley, midkii gaariga waa lahayaa kii timajarahana waxaan farayaa in la soo qabto, ammaanka magaaladana waa in gacan bir ah lagu qabtaa”, Ayuu yiri Lugatoor.