Madaxweyne Lugatoor oo ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha maamulka…

10 August, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee lagaga dhawaaqay Laascaanood iyo qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia ka damacsan tahay guud ahaan dalka.

Lugatoor ayaa ugu horrayn sheegay in madaxda DFS ay dibindaabyo kuwadaan dowlad goboleedyada dalka ayna dhaafiyeen muddo xileedkii Madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug si loogu fushado dano gaar ah.

“Madaxweyne ku-xiegenka Puntland,””Doorashadii Dowlad Goboleedayada DFS ayaa ragaadisay, Hirshabeelle oo kaliya ayaa Muddo xileedkeedu ka dhamaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed DFS ayaa gacanta ka haysa si cudur daar ugu hesho Marka Muddo Xileedka DFS dhamaado sharci la’aan ku joogto”, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in dhismaha maamulka Waqooyi Bari uu yahay qorshe lagu kala dilayo shacabka SSC iyo Puntland, isagoo xusay in gobolka Sanaag uu yahay dhul Puntland leedahay oo Khad Cagaaran ah.

“Sool & Cayn waa gobol & badh aan noqon karin maamul, Sanaag-na waa khad-cas oo Puntland ah, marka DFS keliya waxay rabtaa kala-dil dadka PL mana dooneyso maamul D5; annagu marnaba ma aqbalayno in DFS afduubato siyaadadda deegaannadeenna”, Ayuu yiri Lugatoor.