Madaxweyne Lugatoor oo kormeeray xarumo dowladeed.

14 May, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor yaa maanta kormeeray Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Waxbarashada halkaasi…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor yaa maanta kormeeray Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Waxbarashada halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiinta xarumahaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradaha, wuxuuna u kuurgalay xafiisyada xarumaha iyo shaqooyinka ka socda, isaga oo si gaar ah u booqday qaybta Shaybaarka Xanuunada Xoolaha ku dhaca oo uu warbixin kaga dhegaystay Dhakhaatiirta Xoolaha.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradaha in la illaaliyo wakhtiga iyo Tayada Shaqada la qabanayo si loo gaadho yoolasha dowladda ee ku aadan horumarinta adeegyada bulshada.