Madaxweyne Lugatoor oo kormeeray xarunta dhexe ee garsoorka Puntland.

29 May, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta kormeer shaqo…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey xarunta dhexe ee Garsoorka Dowladda Puntland halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Garsoorku.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhegaystay Guddoonka Maxkmada Sare iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Dowladda, wuxuuna la wadaagay in Garsoorku uu yahay meelaha ay Dowladdu mudnaanta gaarka ah siisay, maadaama uu tiir muhiim ah u yahay Dowladnimada iyo saraynta Sharciga.

Dowladda Puntland ayaa leh Maxkamadda Dastuuriga ah oo aan ka jirin dalka intiisa kale, waxaana la horumariyay xarumaha Garsoorku ku shaqeeyo, iyadoo Garsoorka Puntland uu joogto u qaado kiisaska madaniga ah iyo kiisaska Amni oo ay kujiraan Xukunka Argagixisada oo si daahfuran loola wadaago dadweynaha.