Garowe: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Lugatoor ayaa qaabilay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay Amniga,…

Garowe: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Lugatoor ayaa qaabilay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay Amniga, Horumarinta adeegyada Dowladda, wadashaynta iyo Maamul-daadejinta.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha degmooyinka, wuxuuna u rajeeyay inuu si wanaagsan ugu qabsoomo Shirweynaha ururka dowladaha hoose ee Puntland.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Garoowe ka taagnaa khilaaf salka ku haya qabsoomidda shirka ururka dowladaha hoose ee Puntland, kadib markii qaar kamid ah madaxda degmooyinku soo jeediyeen in doorasho la qabto lana soo afmeero xukunka maayarada degmada Garoowe.



