Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah…

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah la qaatay saraakiishii ciidanka ee guusha ka soo hooyay hawlgalka Calmiskaad ee dalka looga sifeynayo argagixisada Daacish oo hada maraya meel gabogabo ah.
Kulanka qado-sharafta waxaa ka qaybgalay Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Guddiga Gurmadka iyo Taakulaynta Ciidanka, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha gobollada & degmooyinka, iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ciidamada geesiyaasha ah ku bogaadiyey doorkii naf-hurnimada lahaa ee ay ka qaateen difaaca Puntland, isagoo si gaar ah u xusay guusha ay ka gaareen ciribtirka argagixisada kusoo duushay dalka. Wuxuu caddeeyey in Dowladda Puntland ay mudnaanta koowaad siinayso daryeelka iyo taakulaynta ciidamada qalabka sida ee naftooda u huray difaaca dalka iyo shacabka.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladdu si dhow ula socoto xaaladda ehelada askartii iyo saraakiishii ku shahiiday hawlgalka, isla markaana ay ka go’an tahay in Dowladdu siiso daryeel buuxa ciidamada ku dhaawacmay dagaalka.






