Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa shir muhiim ah…

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa shir muhiim ah xafiiskiisa kula yeeshay guddoomiyayaasha goballada Puntland.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay guddoomiyayaasha goballada Puntland, warbixinaha ayaa isugu jiray amniga, horumarinta iyo xogaha xaaladihii ugu danbeeyay ee goballada.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dardaaran iyo hogotusaalayn u jeediyay gddoomiyayaasha, isla markaana ku boorriyay in ay xoojiyaan xidhiidhka bulshada iyo isku xidhka laamaha Dowladda. Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu dhiirrigeliyay derdergelinta hawlqabadyada joogtada ah, maamul daadejinta iyo hufnaanta shaqo ee gobollada Puntland.
Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalaynta, Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Gobolka iyo Federal-ka iyo Agaasimha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.



