Madaxweyne Lugatoor oo qaabilay qaar kamid ah warbaahinta Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah Kula qaatay…

17 December, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah Kula qaatay Madaxda qaar kamid ah Warbaahinta Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Warbaahinta Puntland doorkii ay kasoo qaateen marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray Dowlad-dhiska Puntland, Kaalintii ay ku lahaayeen Howlgalka Hillaac ee Calmiskaad iyo doorkooda horumarinta Dimuqraadiyadda Puntland.

Dhanka kalena, qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu warbaahinta ku booriyay Warbaahinta inay si mug leh uga qayb qaataan soo tabinta abaarta ka jirta Puntland.