Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka, Daaqa iyo Isbedalka Cimilada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku boggaadiyay Wasaaradda Deegaanka dadaalka ay wado gaar ahaan ololaha lagula dirirayo bacaha iyo caagadaha, oo ah halbeega xuska Sanadka, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda in Wasaaradda lala fududeeyo oo lagala shaqeeyo badbaadinta deegaanka oo muhim u ah nolosheenna.
Ugu dambayn Ku-simaha Madaxweynaha ayaa hambalyo diiran u diray Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee Hawgalka Hilaac guulaha waaweyn ay ka gaadheen dabar goynta Kooxda Daacish oo ay ugu dambaysay Taliskii ugu weynaa ee Kooxdu ku lahayd Miraale oo Ciidanku la wareegay.




