Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Shirweynaha sanadlaha…

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Shirweynaha sanadlaha ah ee Mu’asasada Al-Minhaaj oo lagu soo bandhigayay waxqabadka sanadkii ugu dambeeyey (2024-2025) iyo sanad guurada 14aad ee ka soo wareegtay Aasaaskeeda.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa Mu’asasada Al-Minhaaj ku bogaadiyay shaqooyinka khayriga ah ay hayaan iyo doorkii ay mudada dheer ka soo qaateen Horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Kobaca Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Munaasabadda Shirweynaha waxa ka qeyb galay Golayaasha Dawladda, Culimada, Dhaqanka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Qeybaha Bulshada.



