Madaxweyne Lugatoor oo shir guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga gurmadka abaaraha Puntland.

22 November, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Cisman Lugatoor, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulankii ugu horeeyay…

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Cisman Lugatoor, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulankii ugu horeeyay ee ay isugu yimaadeen Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa guddiga ka dhegaystay warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo qorshaha wax looga qabanayo laguna caawinayo dadka ay abaartu saamaysay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa faray guddiga xog ururin sugan oo ay iska kaashadaan Dowladda iyo hay’adaha Caalamiga ah, isla markaana loo diyaar garoobo shirweynaha Hay’adaha iyo deeq bixiyaasha Caaalamiga ah oo qabsoomaya 08, December 2025.