Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland,…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland, oo ay ka qeybgaleen Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidanka iyo Madaxtooyada.
Kulanka ayaa looga hadlay Amniga iyo Difaaca Puntland, iyadoo Ciidanka lagu boggaadiyey Hawlgalkii Hillaac ee Cal-miskaad ee dhammaadka maraya iyo Diyaar-garowgooda Halwgalka Onkod ee buuraleeyda Cal-miskaad.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa faray saraakiisha inay u diyaar garoobaan sugidda ammaanka guud iyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa cidkasta oo waxyeelaynaysa ammaanka.




