Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo ka qaybgalay shir ka dhacay deegaanka Hadh-wanaag…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo ka qaybgalay shir ka dhacay deegaanka Hadh-wanaag ee degmada Boocaame ayaa si adag uga hadlay Mawqifkiisa shirkii Laascaanood ka dhacay, oo ay Villa Somalia abaabushay, kaasi oo lagu dhisay Maamulka cusub ee loo bixiyay ‘Waqooyi Bari’ oo ka kooban Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer.
Waxa uu sheegay in xukuumadda Puntland ay doorweyn ka qaadatay dagaalkii Laascaanood lagaga saaray Somaliland oo naf iyo maal badan ku baxay, islamarkaana wuxu tilmaamay in Ciidamadii Puntland oo dhan dagaalkaasi ka qeyb qaateen oo khasaare badan ku dhacay, si ay degaannada Sool uga saaraan Ciidamadii Somaliland ee fadhiyay.
“Khaatumo annagaa xoraynay, dhaawacyadii annagaa daweyney, Firdhiye hal doollar ma bixin; isma lahayn Xasan Shiikh baa idinka qaadaya, weli lama-kala-bixin ee talo isugu keenkeena, Warsangelina waa PL sax maaha in la sheegto”, Ayuu yiri Madaxweyne Luagtoor.



