Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay xaaladda Galkacyo & eedayntii Puntland.

Madaxweynaha xafiiska sii bannaynaya ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si adag uga hadlay…

15 August, 2026

Madaxweynaha xafiiska sii bannaynaya ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si adag uga hadlay xiisadaha ka soo cusboonaaday Magaalada Galkacyo, xiriirka kala dhexeeya Galmudug iyo saamaynta khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo DFS ku yeeshay nabadgeylada gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey shacabka iyo maamulka Puntland doorkii ay ka qaateen nabadgelyada gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Galkacyo, wuxuuna caddeeyey in kala aragti duwanaanshaha siyaasadda ee xilligaan jira uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah.

“Waxa aan ammanayaa madaxda & shacabka Puntland sida ay nabadda Gaalkacyo iiga la shaqeeyeen, waxba kama beddeleyso kala-aragti duwanaanta hadda jirta nabadda Gaalkacyo”, Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).