Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya aanu dib u…

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya aanu dib u furmi doonin waqtigan, isagoo sabab uga dhigay xaaladaha amni ee gobolka, khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo caqabadaha la xiriira maalgelinta howlaha amniga.
Madaxweyne Willam Ruto ayaa waraysi uu siiyey mid kamid ah Warbaahinta laga lee yahay waqooyiga Kenya ku sheegay in dowladdiisu wali qiimeyn ku sameyneyso xaaladda Soomaaliya ka jirta, kahor inta aysan ka fekerin furista xuduudka labada dal.
Ruto ayaa xusay in ay jirto baahi loo qabo isu dheellitirnaan u dhexeysa amniga iyo ganacsiga, isagoo sheegay in labada dhinacba ay muhiim u yihiin danaha Kenya iyo gobolka, “Waxaa jira dheelitir adag oo u dhexeeya amniga iyo ganacsiga, waana in labadaba la ilaaliyaa.”
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu kharash badan ku bixiyay sugidda amniga xadka iyo howlgalada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan, wuxuuna intaasi ku daray in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo kala qeybsanaanta ka jirta ay caqabad ku noqdeen dadaalladii lagu doonayay in dib loogu furo xadka labada dal.
Dhanka kale, Ruto ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka, isagoo xusay ururrada ay ka mid yihiin East African Community (EAC), COMESA iyo African Continental Free Trade Area (AfCFTA), isagoo sheegay in ganacsigu faa’iido u yahay dhammaan dalalka gobolka, balse dib u furista xadka Soomaaliya ay ku xirnaan doonto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka.



