Raadiyaha ciidamada Israel ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku wargaliyay wasiirka arrimaha istaraatiijiyada…

Raadiyaha ciidamada Israel ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku wargaliyay wasiirka arrimaha istaraatiijiyada ee Israa’iil, Ron Dermer, inuu go’aansaday inuu xiriirka u jaro ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Waxa uu sheegay in dadka ku agdhaw Trump ay wargeliyeen Dermer in Netanyahu uu uu yahay qof la faragelinayo oo aan fulinayn ballamaha ay galaan iyo heshiisyada la xiriira arrimaha nabadda.
Raadiyaha oo soo xiganaya sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in wasiirku uu wada hadal la yeeshay xubno katirsan Jamhuuriga kuwaasi oo u caddeeyey inuusan Trump aqbali karin isla weynida Netanyahu.
Dhankiisa, wargeyska Yisrael Hume ayaa ka soo xigtay dadka ku dhow dhow Trump inay xaqiijinayaan in xiriirka u dhexeeya madaxweynaha Mareykanka iyo Netanyahu uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, waxayna caddeeyeen inuusan fulin wixii laysku raacay.