Madaxweyne Donald Trump iyo duqa New York Zohran Mamdani ayaa lagu wadaa inay si shaqsi ah…

Madaxweyne Donald Trump iyo duqa New York Zohran Mamdani ayaa lagu wadaa inay si shaqsi ah isu arkaan Jimcaha, maalmo ka dib markii Mamdani, oo ah duqa magaalada New York ee la doortay, uu la xiriiray Aqalka Cad si uu u diyaariyo fadhiga labada dhinac.
Madaxweyne Donald Trump ayaa habeenimadii Arbacadii sheegay in Mamdani uu codsaday kulan isla markaana ay “ku heshiiyeen in kulankan uu ka dhaco Xafiiska Oval maalinimada Jimcahan, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Afhayeen u hadlay Mamdani ayaa xaqiijiyay qorshayaasha.
“Sida caadada u ah maamulka duqa magaalada ee soo socda, duqa magaalada ee la doortay wuxuu qorsheynayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Washington si uu ugala hadlo amniga dadweynaha, amniga dhaqaalaha iyo ajandaha la awoodi karo ee in ka badan hal milyan oo reer New York ah ay u codeeyeen laba toddobaad ka hor,” Ayuu yiri Afhayeenku.



