Madaxweyne Trump oo ka carooday go’aankii Spain & Qatar oo beenisay inay weerareen Iran.

3 days ago

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka caraysan in Spain diidey in hawadeeda laga weeraro Iran ayaa…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka caraysan in Spain diidey in hawadeeda laga weeraro Iran ayaa sheegay inaysan kala jeclayn aysanna cidna uga arrinsanayn ayna qaadeen tallaabooyinka hoos loogu dhigayo xiriirka ay la leeyihiin Spain.

“Spain waxay noo sheegtay inaanan isticmaali karin saldhigyadooda taasina waa caadi uma baahnin iyaga. Haddaynu rabno, waanu ku duuli karnaa oo isticmaalnaa, Ma jiro qof naga hor-istaagi kara” ayuu yiri Trump.

Dhanka kalena, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Majed Al-Ansari ayaa beeniyay inay Qatar ka qeybqaadatay weerar lagu qaaday Iiraan, ka dib markii warbaahinta Israa’iil ee Channel 12 iyo The Jerusalem Post ay maanta weriyeen inay Qatar qaaday weerar ay uga jawaabayso weerarrada Iiraan ka geysatay gudaha Qatar.

Al-Ansari, wuxuu yiri ; “Qatar qeyb kama aha olole lagu beegsanayo Iiraan. Waxaan isticmaalaynaa xaqayaga is difaac si aan uga hortagno weerarro Iiraan ay ku qaadayso dalkeena.”