Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay mar kale si xooggan u weerareen…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay mar kale si xooggan u weerareen bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid lagu maamuusayo askarta Mareykanka ee lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay.
Trump oo la hadlayay saxafiyiinta markii uu dib ugu laabtay magaalada Washington, kaddib markii uu ka qeyb galay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka, ayaa yiri: “Caawa waxaan mar kale si aad u adag u garaacnay Iiraan, waxaana taas u sameynay sharafta saddex geesi oo Mareykan ah, waxaana u maleynayaa inay ahaayeen saddex askari oo waddaniyiin ah.”
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu si weyn uga xun yahay geerida ciidamadaasi, isagoo xusay in askarta la dilay ay u dagaallamayeen sidii looga hortagi lahaa in Iiraan yeelato hub nukliyeer.
“Waan ka murugoonaynaa geeridooda,Iiraan aysan waligeed helin hub nukliyeer“, Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlay dilka qaar kamid ah askarta dalkiisa ee ku sugan Bariga dhexe.




