Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale weerar ku qaaday dowladnimada, hanaanka siyaasadeed iyo jiriyaanka dadka Soomaaliyeed…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale weerar ku qaaday dowladnimada, hanaanka siyaasadeed iyo jiriyaanka dadka Soomaaliyeed ee kunool geeska Africa.
Donald Trump, waxa uu sheegay inaysan Somalia kajirin dowladnimo, ammaan iyo hay’ado dowli ah, waxa kaliya ee kajirana uu yahay ammaan xumo, wasakh iyo musuq baahsan, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Donald Trump.
“Wax ka jira ma jiraan Soomaaliya, booliis ma leh, millateri ma leh; waxa keliya ka jira waa amni-darro waa dad is dilaya, waa wasakh, waa meel cimilo-xun waa faqri”, Ayuu yiri Trump.
Ilhan Cumar oo katirsan aqalka sare ee Maraykanka ayey siweyn isuhayaan Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo dadka qaar dhaliishaan soo noqnoqtay u sababayeeen arrintaasi.




