Madaxweyne Trump oo muddo 5 cisho ah joojiyey duqaymaha Iran.

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisu si ku-meel-gaar ah u hakisay weerarradii militari…

23 March, 2026

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisu si ku-meel-gaar ah u hakisay weerarradii militari ee ka dhanka ahaa dalka Iran, kadib wada-hadallo socda oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay in 48-dii saac ee u dambeysay ay jireen wada-hadallo wax ku ool ah oo miro dhal ah oo dhex maray Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo diiradda saaraya xal kama dambeys ah oo laga gaaro colaadda.

Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in muddo 5 maalmood ah dib loo dhigo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha tamarta iyo kaabayaasha Iran, si fursad loo siiyo wadahadallada socda.

Screenshot

Dhanka kalena, Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa beenisay inay wadahadal kula jirto Donald Trump, waxaana ay caddaysay inaysan la fariisan doonin inta laga joojinayo beegsigeeda magdhaw rasmi ahna looga bixin doono dhibaatada la gaarsiiyey muwaadiniinteeda.