Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojin doona sharciga kumeel gaarka ah ee ilaalinta iyo ogolaanshaha…

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojin doona sharciga kumeel gaarka ah ee ilaalinta iyo ogolaanshaha shaqada ee qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.
Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa shaacisay in maamulka Trump uu soo afjarayo Xaaladda Ilaalinta Ku meel gaarka ah (TPS), taas oo ka ilaalisa muhaajiriinta in loo masaafuriyo dalalka ay u arkaan inay ammaan yihiin inay ku laabtaan.
“Xaaladaha dalka ee Soomaaliya ayaa soo hagaagay ilaa heer aysan buuxin shuruudaha sharciga ee ku saabsan Xaaladda Ilaalinta Ku meel gaarka ah, Intaa waxaa dheer, u oggolaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si ku meel gaar ah ugu sii nagaadaan Mareykanka waxay ka hor imaanaysaa danaha qarankeena, Waxaan mudnaanta siineynaa dadka Mareykanka ah”, Ayey tiri Kristi Noem.
Go’aanka, oo la filayo inuu saameyn ku yeesho qiyaastii 1,100 qof, ayaa u badan tahay inuu la kulmo caqabado sharci, iyadoo cidda ugu badan ee uu saamayn doono ay noqon doonaan Soomaalida oo madaxweyne Trump ku sheegay qashin iyo dambiilayaal.
Dhanka kalena, Maamulka Trump ayaa jaray helitaanka gargaarka daryeelka carruurta ee federaalka ee Minnesota, wuxuuna kordhiyay saraakiisha fulinta socdaalka ee gobolka, oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, taasoo keentay caro iyo cambaareyn ballaaran oo ka timid mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo kuwa gobolka.



