Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qof kasta oo muwaadin ah looga baahan yahay…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qof kasta oo muwaadin ah looga baahan yahay inuu helo kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA). Waxa uu tilmaamay in aqoonsigani yahay shay lagama maarmaan u ah muwaadinnimada casriga ah.
Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in xitaa xubnaha kooxda Al-Shabaab ay xaq u leeyihiin qaadashada kaarka aqoonsiga. Wuxuu ku adkeystay in qof kasta oo Soomaaliyeed, xitaa haddii uu ku jiro jid khaldan, uu weli yahay muwaadin u baahan in dowladdu diiwaangeliso.
Madaxweynaha ayaa digniin adag ka bixiyey mustaqbalka dhow oo qofka aan lahayn aqoonsiga Qaranka uu wajahayo caqabado nololeed. Wuxuu sheegay in aan la furi karin bangi, aan la safri karin, islamarkaana aan la heli karin adeegyada aasaasiga ah.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu carrabka ku adkeeyay in af-Soomaali ku hadalka ama muuqaalka Soomaaliyeed uun aysan ka dhigin qof muwaadin rasmi ah. Shaqsiga muwaadinnimada buuxda helaya, ayuu yiri, waa midka haysta Aqoonsiga Qaranka ee dowladdu bixiso.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku waddo sidii loo dardar-gelin lahaa diiwaangelinta NIRA, iyadoo madaxweynuhu ku baaqay in bulshada oo dhan ay qaadato. Talaabadani ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku yareyneyso fal-dambiyeedyada, isla markaana kor loogu qaadayo adeeg bixinta.




