Madaxweyne Xasan & Axmed Madoobe oo aan weli ku heshiin ajandaha kulamada Kismaayo.

6 October, 2025

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinkii 2aad ku sugan Magaalada Kismaayo…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinkii 2aad ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaadhka ah ee Jubbaland, oo shalay siweyn loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan hordhac ah oo shalay qabsoomay kaga dalbaday Axmed Madoobe inuu ka laabto doorashadiisii, oggolaado Doorashada qof & cod iyo inuu dib ugu laabto Golaha Wadatashiga Qaran, halka Jubbaland dooneyso in DFS ay aqoonsato doorashadeedii, qodobada kalena laga arrinsado aqoonsiga kadib.

Guud ahaan kulankii shalay ayaa laysku mari waayey iyadoo dhex-dhexaadiyayaasha oo uu ugu horreeyo Taliyaha Sirdoonka, Nuuradiin Xaaji uu natiijo ka dhawrayo kulamada xiga oo maanta lagu ballamay, sida ay ilo xogagaal ah warbaahinta u xaqiijiyeen.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo wajahaya dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee gudaha caasimadda ee Madasha Mucaaridka ayaa doonaya in uu dowlad-goboleedyada la kulmo ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa balse Puntland, Jubbaland iyo Mucaaridka ayaa ka midaysan in ay soo horjeedaan doorashada qof & cod, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo-dheeraysiga Hay’adaha dowladda.