Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah uga qeyb galay xuska 25 guuradii Shirweynihii Carta ee lagu dhisay dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya.
Munaasabadda lagu qabtay magaalada Carta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb galay madaxda labada dal, siyaasiyiin, iyo wufuud ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Labada Madaxweyne ayaa si rasmi ah u xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taaladda Nabadda Soomaalida, oo ah madxaf casri ah oo lagu keydiyay taariikhda shirarkii dib u heshiisiinta ee Soomaalida.
Madxafka ayaa noqonaya goob lagu xusuusto dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan shirkii Carta ee 2000, kaas oo saldhig u noqday dhismaha dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ahayd xus ballaaran oo lagu muujinayo muhiimadda heshiiskii Carta ee Jabuuti, kaas oo dib u mideeyay Soomaalida, aasaasna u noqday dowladnimadii casriga ahayd ee maanta jirta.






