Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray oo booqday xarunta dhexe ee Hay’adda…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray oo booqday xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, isagoo halkaas ku eegay habsami u socodka howlaha muhiimka ah ee hay’addu qabato.
Inta uu booqashada ku sugnaa Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan casriyeynta adeegyada hay’adda iyo u daadejinta muwaadiniinta taas oo ay soo jeediyeen Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyay in la dardargeliyo hirgelinta shuruucda socdaalka lana hubiyo hufnaanta adeegyada muwaadiniinta isagoo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda la dagaallanka tahriibka argagixisada iyo socdaalka sharci darrada ah, si looga hortago danbileyaasha soo galaya dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha hay’addu ka gaartay casriyeynta gaar ahaan adeegyada e-Visa iyo nidaamka cusub ee PISCES oo lagu maamulo xuduudaha, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga si loo xoojiyo amniga iyo daahfurnaanta adeegyada socdaalka.







