Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka u magacaabay Danjire…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, kadib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay Lataliyihii hore Xuseen Macalin Maxamuud.
Danjire Aweys ayaa lagu tilmaamay shaqsi khibrad dheer u leh maamulka iyo amniga qaranka, Intii u dhaxaysay sanadihii 2012 ilaa 2016 wuxuu soo maamulay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga dhaqaalaha iyo dib u habeynta dowladda.
Sanadihii 2023 ilaa 2025 ayuu soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga isagoo door muhiim ah ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istiraatiijiyadeed ee labada dal iyo wadahadallo heer sare ah oo la xiriira iskaashiga amni iyo dhaqaale.
Qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”
Waxaa kaloo lagu cadeeyey in Madaxwaynaha u mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.



