Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyey in dadka deggan…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyey in dadka deggan laga raro dhammaan xarumaha waxbarashada Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku amray taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi inuu banneeyo dhammaan goobaha waxbarashada dowladda ee ay deggan yihiin dadka rayidka ah.
“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaan ku amrayaa dugsiyada Magaalada Muqdisho dadku inay ka baxaan, dugsiyadu waa dan-guud, danta caamka ah ayaa la hagaajin karaa laakiin qoys Soomaali ah dantiisa gaarka ah lama hagaajin karo”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Villa Somalia ayaa horay kumanaan qoys oo shacab ah uga rartay qaar kamid ah xarumihii dowladdii dhexe ee dalka, iyadoo qaybo kamid ah lagu wareejiyey ganacsato gaar ah kuwa kalena dowladdu la wareegtey.



