Madaxweyne Xasan Sheekh iyo golaha Mustaqbalka oo kulmaya.

17 February, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta is-araggiisii ugu horreeyey la yeelan…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta is-araggiisii ugu horreeyey la yeelan doona xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ah mid qado ah ayaa looga golleeyahay isu soo dhawaanshaha labada dhinac iyo sidii loogu gogol xaari lahaa shirka arrimaha doorashooyinka iyo marxaladaha kala guurka ee ay Somalia gelayso xilligaan.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin madasha uu ka dhacayo is-aragga 1aad ee labada dhinac, waxaase xoguhu sheegayaan inuu ka qabsoomi doono mid kamid ah hotelada ku yaalla xayndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirkii Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo la qorshaynayey inuu furmo asbuucii hore ayaan weli qabsoomin iyadoo caqabada ugu weyn tahay goobta laysugu imaan doono.