Aqalka looga arrimiyo dowladda federalka ah ee Somalia waxaa galabta ku soo dhammaaday shirkii 4aad ee…

Aqalka looga arrimiyo dowladda federalka ah ee Somalia waxaa galabta ku soo dhammaaday shirkii 4aad ee si toos ah u dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madasha samatabixinta oo ah gole siyaasadeed.
Shirkaan oo ahaa mid looga hadlayey xaaladda ammaan ee dalka, arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo khilaafyada siyaasadeed ee xilligaan ragaadiyey dowladnimada Somalia ayaan laga gaarin wax natiijo ah oo ka duwan kuwii hore.
Ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa u xaqiijiyey HM in madasha siyaasiyiinta mucaaradku ku adkaysteen inaysan ka tanaasulin in Madaxweynuhu ka laabto waxka bedelka dastuurka ee aan heshiiska lagu ahayn, iyadoo madaxtooyadu qabsatay in fursad la siiyo ilaa Arbacada dambe oo kulan kale loo ballamay.
Siyaasiyiinta ayaa ku doodaya in haddii madaxweynuhu ka laabto waxka bedelka dastuurka ay wax kama jiraan ka dhigayso qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka tooska ah, awood qaybsiga xilalka sare iyo arrimo kale.



