Madaxweyne Xasan Sheekh iyo musharixiin ka wada hadlay xaaladda dalka.

26 February, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa HM u xaqiijiyey in kulankaan diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga hortegi lahaa kala durug siyaasadeed, kadib markii ay burbureen wadahadaladii DFS iyo GMS.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cosoble iyo Khaliif Cabdiqaadir Macallin Nuur, oo ay dhammaan kuraas wadaagyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tegey Villa Somalia, sidii ay MW Xasan uga dhaadhicin lahaayeen inuusan dalka gelin hubanti la’aan siyaasadeed.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku adkaysanaya mawqifkiisa hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, xilli mucaaradku ku doodayaan in doorasho aan heshiis lagu ahayn halis gelin karto dalka.