Madaxweyne Xasan Sheekh Kismaayo kula kulmaya Axmed Madoobe oo horay waaran Maxkamdeed loogu jaray.

1 October, 2025

Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo Caasimad kumeel gaar ah u ah maamulka Jubbaland waxaa ku wajahan…

Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo Caasimad kumeel gaar ah u ah maamulka Jubbaland waxaa ku wajahan laba diyaaradood oo sida ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta midawga Africa ee ku sugan Somalia.

Ciidamadaan ayaa hordhac u ah ilaalada Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmaha soo socda ku soo wajahan Magaalada Kismaayo, sida ay warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ) oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi, ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo, si uu u diyaariyo soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Villa Somalia ayaa horay waaran Maxkamadeed ugu jartay Axmed Madoobe iyadoo sheegtay inuusan ahayn Madaxweynaha Jubbaland loona maxkamadayn doono falal uu ka geystey Jubbaland, haseyeeshee fashilka dagaalkii Raaskambooni iyo gobolka Gedo ayaa sababay in DFS ay dalalka deriska ka dalbato heshiis ay la gaaraan Axmed Maodobe.