Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey Magaalada Kismaayo.

5 October, 2025

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Kismaayo ee…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah maamulka Jubaland.

Waftiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay yeelan doonaan wadahadalo toos ah kadib dhex dhexaadintii dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland ayaa gaaray markii hore in madaxda dowladda federaalku ay si cad u sheegeen in aanay aqoonsaneyn doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe ee markii saddexaad lagu doortay.