Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay…

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ilaa saddex dekedood oo Soomaaliyeed, si ay uga soo dejisato ugana dhoofiso badeecado kala duwan.
Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyey Warbaahinta Aljazeera ayaa muujiyey sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay la macaamilka dhanka badda ee Itoobiya, maalmo uun kadib markii uu magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka soo horjeedin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay hesho marin ganacsi oo ay ku gaarto badda, balse uu sheegay in arrintaasi ay ku imaan karto oo keliya heshiis ay labada dowladood wada gaaraan.
“Waxaan diyaar u nahay inaan Itoobiya u oggolaanno inay isticmaasho laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay wax uga soo dejiso ugana dhoofiso”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia.




