Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adduunka ugu faanay guulaha laga gaarey dagaalka ka dhanka ah…

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adduunka ugu faanay guulaha laga gaarey dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad iyo hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee Koonfurta Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dowladdiisu dagaal kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab lagana gaarey guulo wax ku ool ah oo adduunku qiray, ayna sii wadi doonaan hawlgallada lagu beegsanayo nabaddiidka.
“Waxa aan dagaal adag kula jirnaa kooxaha Alshabaab iyo Daacish waxaana ka gaadhnay guulo wax ku ool ah”, Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Faragelinta Israel ee Somalia ay caqabad ku tahay Somalia, haseyeeshee wuxuusan meesha ka saarin xalka bariga dhexe yahay laba dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israel.
“Faragelinta Israa|l ee Geeska Afrika waxay wiiqaysaa xasiloonidii Gobolka, waa in adduunku uu tallaabo ka qaado kuwa xadgudbaya, Xalka Bariga-dhexe waa sameynta laba dowladood oo Falastiin & Israel yeeshaan”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



