Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in muddo saddex maalmood ah…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigo Calanka Qaranka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad bin Khalifa Al Thaani.
Go’aankan ayaa lagu muujinayaa murugada iyo tacsi wadaagga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo la xusay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale fartay dhammaan hay’adaha dowladda inay si buuxda u fuliyaan amarka hoos u dhigista calanka inta lagu jiro muddada saddexda maalmood ah, si loo muujiyo xushmad iyo tixgelin loo hayo marxuumka.
Qatar iyo Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay lahaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in tallaabadan ay ka tarjumeyso garab istaagga iyo ixtiraamka ay u hayso dowladda iyo shacabka Qatar xilligan murugada.





