Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arbacada qaabilaya wakiilada beesha caalamka.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaadka yahay ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada la…

8 June, 2026

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaadka yahay ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada la kulmo wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, si uu ugu soo bandhigo qorshihiisa hirgelinta doorashooyin dadweyne, xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashada, kuwaas oo u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar ka mid ah saamileyda siyaasadda.

Kulanka ayaa lafilayaa inay ka qaybgalaan safiirradii iyo wakiilladii caalamiga ahaa ee dhowaan ku baaqay in heshiis siyaasadeed loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada Soomaaliya, xilli beesha caalamku marar badan ku celcelisay in aan hal dhinac si gaar ah u go’aamin karin qaabka doorashada dalka, balse loo baahan yahay wada-tashi iyo is-afgarad ay dhammaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

Waxa uu kulankaani qabsoomi doonaa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka dhashay is-maandhaafka doorashooyinka, iyadoo mucaaradka qaarkood iyo Villa Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay isweydaarsanayay eedeymo siyaasadeed, halka meelo kamid ah dalka ay ka dhaceen iska horimaadyo la xiriira muranka siyaasadeed.

Dhanka kale, 10-ka bishan oo ku beegan Arbacada ayaa ah maalinta ay Dowladda Federaalka u asteeysay qabsoomidda doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, tallaabadaasi ayaana dhalisay dood cusub, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyeyaashu ay aaminsan yihiin in dowladda federaalku isku dayeyso inay isku beegto kulanka Beesha Caalamka iyo doorashada Koonfur Galbeed si ay u muujiso in qorshaheeda siyaasadeed uu helayo taageero iyo aqbalaad gudaha iyo dibaddaba.