Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Somalia…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Somalia iyo dagaalada lagula jiro kooxda Alshabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey sii xoogeystey.
“Degmo kamid ah kuwii waaweynaa ee dalka oo Shabaab inta laga xoreeyey ay dib u qabsadeen majirto, furinta dagaalka marna waxbaa riixaysaa marna waa lagu riixee oo waa goob dagaal, waa caadi in maalinna lagu riixo maalinna lagu soo riixo”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri markale,”Waxaa la rabaa dadka Soomaaliyeed inay fahmaan isbahaysiga borobogaandada ah ee ciidan ahaan markii naloo jebin waayey af ahaan in naloo jebiyo la rabo”.
Dhanka kelan, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu wax kama jiraan ku sheegay wararka sheegaya inuu jiro culays dhanka ammaanka ah oo dalku wajahayo, wuxuuna tilmaamay inay yihiin farriimo been abuur ah oo dibadda laga soo abaabuley.
“Dadka Soomaaliyeed waa inay fahmaan waa farriimo been ah oo aan jirin iyo tallaabooyin been ah oo la qaaday weeye, dalkaan khatar kuma jiro Shabaabna intaan isagoo ka xoog badan buu nasoo maray, 17 sano markuu haysan waayey”, Ayuu yiri Markale.