Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu…

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago furimaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyadoo socdaalkiisu qayb ka yahay qorshaha dowladda ee kordhinta howlgalka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Magaalada xeebta ah ee Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo diray xoojinta amniga iyo diyaarinta safarka madaxweynaha.
Maalmihii la soo dhaafay Cadale waxaa kulamo ku yeeshay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saaray sugidda amniga, isku dubbaridka ciidamada iyo qorsheynta guluf cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo dardargeliyo hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu booqan doono magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmi doono saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta hoggaaminaya howlgalada ka socda furimaha hore. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka booqashada, haddana waxaa la filayaa inay noqoto mid muujinaysa taageerada dowladda ee ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.




