Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuraya kal-fadhiga barlamaanka xilli xasaasi ah.

29 September, 2025

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daahfuraya…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daahfuraya kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliyeed.

Madaxwenaha ayaa lafilayaa inuu jeediyo khudbad uu diiradda saarayo waxqabadka dowladda, qorshayaasha horyaalla Baarlamaanka inta uu socdo kalfadhigu iyo marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Furitaanka kal-fadhiga maanta ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka kajiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taas oo dhalisay in dhowr jeer dib loo dhigo furitaankiisa, iyadoo laga cabsi qabo in kulanka maanta uu hareeyo sawaxan iyo diidmo siyaasadeed, maadaama ay jiraan xildhibaano mucaarad ah oo diidan sida wax u socdaan.

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa waxaa horyaalla arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed, ammaanka iyo shuruucda dhismaha dowladnimada guud ahaan Soomaaliya.