Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ku wajahan dalka Tanzania oo uu kaga qay-bgelidoono shir…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ku wajahan dalka Tanzania oo uu kaga qay-bgelidoono shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan East African Community, oo loo yaqaan Bulshada Bariga Afrika.
Shirkan oo ah kulankii 25-aad ee caadiga ah ee madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika oo lagu qaban doono magaalada Arusha 7-da Maarso 2026, waxaana ka qeyb geli doona madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.
Muddada uu socdo shirku ayaa looga hadli doonaa xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, horumarinta dhaqaalaha gobolka, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyo dardargelinta mashaariicda wadajirka ah ee lagu hormarinayo dalalka Bariga Afrika.
Qaar kamid ah dalalka Bariga Africa ayaa ka gaabsaday tallaabadii ay xukuumadda Yuhuuddu dowlad Madax-banaan ugu aqoonsatay Maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.



