Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray dhalinyarada kujirta AS & Dacish.

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed farriin u…

20 March, 2026
daacish

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed farriin u diray dagaalyahanada kooxda Alshabaab ee ka soo horjeedda dowladda Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu baaq nabadeed oo ah inay dowladda isu soo dhiibaan u dirayo dhalinyarada u dagaalanta kooxda Alshabaab & Daacish si ay umaddooda uga midnoqdaan ugana soo laabtaan fikirkooda.

“Waxaan baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidinayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ururada Al-shabaab iyo Daacish”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ugu baaqay,“Waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo noqdaan waddada khaldan ee ay ku habaabeen, una soo noqdaan bushada Soomaaliyeed ee ka mid yihiin” ayuu raaciyay.