Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaarey Magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa…

17 August, 2026

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug qaybta ay ka arrimiso xukuumadda Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda Somalia ayaa waxaa soodhaweyn u sameeyey xubno katirsan golayaasha maamulka Galmudug, maamulka gobolka Mudug iyo qaar kamid ah shacabka kunool Koonfurta Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta goob fagaare ah kala hadli doona qaybaha kala duwan ee bulshada kunool Koonfurta Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.